Madaxweynaha Jabuuti oo ka digay in Israa’iil saldhig milatari ka samaysato Berbera

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si adag uga hor yimid aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland iyo suurtagalnimada in saldhig milatari oo Israa’iil leedahay laga hirgeliyo magaalada Berbera, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid khatar ku ah xasilloonida gobolka.

Wareysi uu siiyay wargeyska Jeune Afrique ayuu Madaxweyne Geelle ku sheegay in ujeeddada Israa’iil ay tahay ka faa’iidaysiga dhulka Somaliland, isaga oo muujiyay walaac ku saabsan in Somaliland ay oggolaan karto wax kasta oo ay u aragto waddo lagu heli karo aqoonsi rasmi ah.

Mar wax laga weydiiyay wararka la xidhiidha suurtagalnimada in Israa’iil saldhig milatari ka samaysato Berbera, wuxuu ku jawaabay: “Taasi waa walaaca ugu weyn.”

Madaxweyne Geelle ayaa sidoo kale eedayn u jeediyay Imaaraadka Carabta, isaga oo sheegay in Imaaraadku yahay hormuudka Israa’iil ee gobolka, isla markaana uu door ku leeyahay isbeddellada istaraatiijiyadeed ee ka socda Geeska Afrika iyo Badda Cas. Wuxuu ku dooday in Imaaraadku ku lug leeyahay khilaafaadyo ka aloosan dalal ay ka mid yihiin Yemen, Suudaan, Soomaaliya, Jaad iyo Liibiya.

Isaga oo ka hadlayay danaha Badda Cas, Madaxweynaha Jabuuti wuxuu xusay in dalkiisu uu si dhow ula shaqeeyo Sacuudi Carabiya, isla markaana uu siiyay saldhig milatari, arrintaas oo muujinaysa doorka istaraatiijiga ah ee Jabuuti ku leedahay marin-biyoodka caalamiga ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Geelle ayaa si cad uga hadlay xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland, gaar ahaan Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro. Wuxuu sheegay in xidhiidhka labada dhinac uu yahay mid qabow, isla markaana Jabuuti ay diidday inay la kulanto ama la hadasho Madaxweyne Cirro. Inkasta oo xuduudduhu furanyihiin, waxa uu tilmaamay in duullimaadyadii u dhexeeyay Jabuuti iyo Hargeysa la hakiyay.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sifeeyay aragtida hoggaanka Somaliland ee 34-kii sano ee u dambeeyay mid ku salaysan in aqoonsi la helo qiime kasta ha ku kacdee, isaga oo ku dooday in arrintani khatar gelin karto xasilloonida gobolka iyo midnimada Soomaaliya. Dawladda Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka sida xooggan uga horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyada oo ku tilmaantay mid ka hor imanaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya, xeerarka Midowga Afrika iyo sharciga caalamiga ah.