Dowladda Masar ayaa si cad u beenisay warar sheegaya inay diyaar u tahay inay ka caawiso Itoobiya helitaanka marin ay ku gaarto Badda Cas, taas oo qayb ka ah heshiis lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda ka dhalatay Mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD), oo muddo dheer muran ka dhex abuuray labada dal.
War-saxaafadeed ay soo saartay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Masai, ayaa sarkaal dowladeed oo aan magaciisa la shaacin ku tilmaamay wararkaasi kuwo “aan sal iyo raad toona lahayn” isla markaana “been abuur ah,” isagoo xusay in mowqifka Masar ee ku aaddan amniga biyaha iyo arrinta GERD uusan waxba iska beddelin.
Sarkaalka ayaa ku celiyay in Masar ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda biyaha ee dalalka ku teedsan Webiga Niil, isla markaana ay diidan tahay tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa xuquuqdaas.
Masar ayaa sidoo kale sheegtay in maamulka iyo ammaanka Badda Cas ay si gaar ah mas’uuliyad uga yihiin dalalka ku yaalla xeebaha baddaas, maadaama ay tahay marin istaraatiiji ah oo si toos ah ula xiriira amniga qaranka ee dalalkaas.
War-saxaafadeedka ayaa si dadban u diiday suurtagalnimada ka qaybgalka Itoobiya, maaddaama ay tahay dal aan bad lahayn (landlocked).
Intaa waxaa dheer, Masar waxay xaqiijisay inay aqbashay wareeg cusub oo wada-hadallo ku saabsan GERD, kuwaas oo lagu wado inay ka qabsoomaan magaalada Addis Ababa.
Inkasta oo xiisaddu ka dhex aloosan tahay Masar iyo Suudaan dhinac, iyo Itoobiya dhinaca kale, haddana wada-hadalladan ayaa lagu doonayaa in xal looga gaaro ismariwaaga ku saabsan buuxinta iyo maamulidda biyo-xireenka, taasoo noqotay mid si joogto ah u curyaamisa diblomaasiyadda sannadihii u dambeeyay.
Masar iyo Suudaan ayaa ku baaqay in la gaaro heshiis sharciyeysan oo qasab ah oo ku saabsan sida loo maamulayo biyo-xireenka si loo ilaaliyo amniga biyaha, halka Itoobiya ay ku adkeysanayso in mashruucu uusan waxyeello u geysan doonin dalalka ka hooseeya, taas oo keentay dib-u-dhacyo badan oo ku yimid wada-hadalladii sannadihii la soo dhaafay.











