Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u cusboonaysiiso heshiis u oggolaanaya Mareykanka inuu isticmaalo dekedaha iyo garoomada diyaaradaha ujeeddooyin milatari, iyadoo tallaabadan lagu micneeyay mid looga hortagayo dalab la mid ah oo ka yimid Somaliland.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda, Ali Mohamed Omar Balcad, ayaa sheegay in labada dal ay leeyihiin iskaashi soo jireen ah, oo ay ku jirto heshiis sanadkii 1980-kii la galay kaas oo Mareykanka siinaya marin uu ku isticmaalo dekedaha iyo garoomada.
Dalal shisheeye ayaa sii xoojinaya iskaashiga milatari ee ay la leeyihiin Soomaaliya, iyadoo ay soo jiidaneyso goobta istiraatiijiga ah ee dalka uu ku yaallo, gaar ahaan marinka Badda Cas iyo u dhowaanshaha Yemen, halkaas oo kooxaha Xuutiyiinta ay halis ku hayaan marinada muhiimka ah ee maraakiibta.
Sanadihii la soo dhaafay, doorka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa inta badan ku koobnaa howlgallo ka dhan ah argagixisada, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo xiriir la leh al-Qaacida iyo dagaalyahannada ISIS.
Soomaaliya ayaa u aragta Somaliland inay ka tirsan tahay dhulkeeda, inkastoo Israel ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada inay tahay dal madax-bannaan bishii Diseembar.
“Aragtida Soomaaliya waa mid cad: dhammaan heshiisyada la xiriira dhulka, dekedaha, hawada ama kheyraadka dabiiciga ah waa in lagu maraa hay’adaha dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Balcad.











