Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho kadib muddo laba toddobaad ah oo uu ku sugnaa hoteel ku yaalla gudaha xerada Xalane, wuxuuna dib ugu laabtay magaalada Kismaayo.
Axmed Madoobe ayaa ka mid ahaa xubnihii Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee wada-hadalladii burburay la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in kulamadii u dhexeeyay labada dhinac ay fashilmeen kadib markii aan la isku raacin qodobada la isku mari waayay, isla markaana aysan muuqan tanaasul labada dhinac midkoodna.
Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysatay in la dhammeystiro doorashooyinka goleyaasha deegaanka, gaar ahaan maamulada harsan sida Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.
Dhanka kale, xubnaha mucaaradka ayaa soo jeediyay in marka hore la qabto doorashooyinka maamuladaas, ka dibna laga wada hadlo doorashada heer federaal, si loo helo hannaan lagu wada qanacsan yahay.
Tagitaanka Axmed Madoobe ayaa loo arkaa mid muujinaya in dhinaca mucaaradka ay si rasmi ah uga baxeen wadahadalladii, inkastoo saacadihii la soo dhaafay xubno ka tirsan beesha caalamka ay dadaallo waan-waan ah ka dhex wadeen Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, si loo badbaadiyo geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.











