Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga soo gabagabeeyay doodaha shantii cutub ee loo soo gudbiyay ee ku saabsan wax-ka-beddelka Dastuurka Ku Meel Gaarka ee Soomaaliya,
Kulankan oo ahaa kulanka 21 aad ee wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka 11 aad waxaa shir guddoomiyay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, oo ay weheliyaan Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ajandaha kulanka maanta wuxuu ahaa sii wadista doodda ku saabsan soo jeedimaha wax ka beddelka Cutubka Sagaalaad ee Dastuurka KMG, kaasoo ka hadlaya arrimaha Garsoorka, gaar ahaan qodobbada 130 aad ilaa 154 aad. Xildhibaannada labada Aqal ayaa soo bandhigay aragtiyadooda iyo talooyinkooda la xiriira cutubkan inta ay ka socotay dooda.
Markii la soo xiray kulanka, Guddoomiye Cali Shacbaan ayaa shaaciyay in si rasmi ah loo soo gabagabeeyay doodaha la xiriira Cutubka Sagaalaad iyo shantii cutub ee Baarlamaanku hore uga dooday, islamarkaana Guddiyada Dastuurka looga fadhiyo inay aragtiyadii iyo talooyinkii xildhibaannada ka jeediyeen doodaha qabyo tirka dastuurka ay isu dubbaridaan, si loogu guda galo marxaladaha xiga ee dhammaystirka hanaanka dib u eegista dastuurka.
Waxaa weli jira dood siyaasadeed oo u dhaxaysa mucaaradka iyo dowladda ku saabsan hanaanka wax ka beddelka dastuurka iyo qodobbada lagu heshiin waayey, iyadoo Baarlamaanka iyo qaybaha siyaasadda ay ka wada hadlaan sidii loo gaari lahaa heshiis ballaaran oo ku saabsan qaab dhismeedka Dastuurka











