Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la hadlayey qaar kamid ah waxgaradka gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimaah doorashooyinka, waxka-beddelka dastuurka iyo qorshaha golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Deni ayaa ugu horrayn sheegay in GMS ay sameeyeen dulqaad xooggan si aysan cududaar ugu samayn qorshaha dowladda, “Golaha Mustaqbalka waxay sameeyeen dulqaad wanaagsan, mana rabno dagaal, waxa keliya noo furan dagaalka argagixisada.”
Ugu dambayntiina Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inaysan Puntland qayb ka ahayn waxka-beddelka dastuurka,”Dastuurka halkaan lagu malmaluuqayo wax ka jira ma jirto – madaweyne Xasan Shiikh iyo Aadan Madoobe hadii uu dastuur u noqnayo iyagey jirtaa. -Puntland qayb ka noqon mayso.”
Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa yiri “dalkan labo khatarood xoog bay ugu soo socdaan, in uu kala irdhoobo oo kala tago iyo in dad aan la garanayn qabsadaan”.
Madaxweyne Deni wuxuu khatarta labaad tusaale ugu soo qaatay ajaaniibtii lagu qabtay dagaalka Daacish iyo wixii ay Puntland ku aragtay buuraleyda Calmiskaad.
Wuxuu sheegay in khatar taas ka weyn laga filan karo gobolada Koonfurta Soomaaliya ee gacanta ku hayaan kooxda Al-shabaab.











