Soomaaliya oo Billowday Bixinta Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u billowday bixinta Baasaboorka Bulshada Bariga Afrika (EAC Passport), tallaabo loo arko mid taariikhi ah oo xoojinaysa is-dhexgalka gobolka iyo sare u qaadidda sumcadda baasaboorka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay in baasaboorkan cusub uu muwaadiniinta Soomaaliyeed u furayo albaab cusub oo dhinaca socdaalka, ganacsiga iyo waxbarashada ah.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in ku biirista East African Community ay astaan u tahay dib u soo kabashada iyo kaalinta firfircoon ee Soomaaliya ka qaadanayso gobolka.

Wuxuu tilmaamay in baasaboorka cusub uu fududeynayo isu-socodka shacabka, isla markaana uu abuurayo fursado wadaag ah oo dhinaca dhaqaalaha, waxbarashada iyo is-dhexgalka bulshada ah.

Sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu, baasaboorka Soomaaliyeed oo sanadkii 2021 ku jiray kaalinta 111-aad ee caalamka, ayaa hadda gaaray kaalinta 96-aad, taasoo ka dhigan koror muuqda oo gaaraya 15 darajo.

“Maanta, muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay si dal-ku-gal la’aan ah ama dal-ku-gal laga qaato garoomada ugu safri karaan ku dhowaad 40 waddan, arrintaas oo faa’iido toos ah u leh ardayda, ganacsatada iyo guud ahaan shacabka” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale, dalal badan ayaa hore u oggolaaday dal-ku-gal la’aan dadka sita baasaboorka diblumaasiga, iyadoo dowladda ay rajo ka muujisay in mustaqbalka dhow fursaddaasi ay gaari doonto dhammaan shacabka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ahayn dal faro-maran oo ku biiraya ururrada caalamiga ah, balse ay tahay dal leh xeebta ugu dheer Afrika, kuna yaalla meel istaraatiiji ah oo isku xirta qaaradda Afrika iyo Gacanka Carbeed.

Wuxuu xusay in khayraadka dhaqaalaha buluugga ah, dekedaha, kalluumeysiga iyo marin-biyoodka Badweynta Hindiya ay siinayaan Soomaaliya fursado waaweyn oo horumarineed oo ay kula wadaagi karto dalalka gobolka.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu caddeeyay in Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay ka mid ahaanshaha Bulshada Bariga Afrika, isla markaana ay door firfircoon ka qaadan doonto horumarka waara, ganacsiga, shaqo-abuurka iyo kor u qaadista tayada nolosha dadka gobolka.