Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa si diirran u soo dhoweeyay bilaabashada rasmiga ah ee wadahadallo heer sare ah oo ka furmay magaalada Muqdisho, kuwaas oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Bayaan kasoo baxay Xafiiska UNTMIS ayaa lagu ammaanay labada dhinac muujinta tanaasul iyo is-afgarad horseeday in miiska wada-hadalku si rasmi ah u furmo.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in arrintan ay tahay tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhinaca xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee taagnaa.
“Waxaan soo dhoweyneynaa bilowga rasmiga ah ee kulanka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ee ka furmay Muqdisho, Waxaan ku bogaadinaynaa dhammaan dhinacyada ruuxa tanaasulka ee suurtageliyay in wada-hadalladu bilaabmaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Qaramada Midoobay waxay xustay in waqtigu kooban yahay, maadaama muddo xileedyada dastuuriga ah qaarkood ay gabagabo ku dhow yihiin, isla markaana ay jiraan arrimo qaran oo mudnaan gaar ah leh, sida doorashooyinka, kuwaas oo u baahan heshiis siyaasadeed oo mideeya dhinacyada.
UNTMIS waxay ku boorrisay hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed in ay ku dadaalaan in la gaaro heshiis waqti ku habboon, iyagoo ku shaqeynaya niyad-wanaag iyo wada-shaqeyn.
Kulamadan ayaa u dhexeeya Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka, oo ay ku jiraan madax ka socota Dowlad-goboleedyada.
Wadahadallada waxaa si weyn loogu arkaa kuwo muhiim u ah jebinta ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan qaabka doorashooyinka, arrimaha dastuurka iyo hannaanka dowladnimada, iyadoo Soomaaliya isu diyaarineyso doorashooyinka 2026.
Saaxiibada caalamka ayaa si joogto ah ugu baaqayay madaxda Soomaaliya inay khilaafaadka ku xalliyaan wadahadal iyo is-afgarad, si loo ilaaliyo xasilloonida loona sii xoojiyo dadaallada dhismaha dowladnimada.











