Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay bixinta deeqo raashiin ah oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah ee Soomaaliyeed inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo sidoo kale wakiillo ka socday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA).
Guddoomiyaha Qatar Charity ayaa ka hadlay munaasabadda, isaga oo faahfaahin ka bixiyay deeqaha raashiin ee maanta la gaarsiiyay xarunta lagu xanaaneeyo carruurta agoonta Booliska Soomaaliyeed, isla markaana tilmaamay in deeqo dheeraad ah lagu gaarsiin doono qoysas badan oo u baahan gargaar.
Dhankooda, mas’uuliyiintii ka socday Maamulka Gobolka Banaadir iyo SoDMA ayaa uga mahadceliyay Qatar Charity taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada adag iyo bisha barakeysan ee Ramadaan.











