Saraakiisha ugu sareysa amniga qaranka ayaa madaxweyne Donald Trump ku war geliyay in ciidamada Mareykanka ay diyaar u yihiin weerar suurtagal ah oo ka dhan ah Iiraan Sabtida, laakiin ma jiro go’aan kama dambays ah oo uu Trump ka gaaray weerarka.
Ilo wareedyo ayaa u sheegay CBS Newsee Mareykanka, oo bah wadaag la ah BBC-da, in waqtiga kama dambaysta ah ee tallaabada suurtagalka ah aan la go’aamin oo ay xitaa dhaafi karto Sabtida.
Waaxda difaaca ee Mareykanka (Pentagon) ayaa si ku meel gaar ah u rari doonta qaar ka mid ah shaqaalaha ka jooga Bariga Dhexe una wareejin doonta Yurub ama Mareykanka saddexda maalmood ee soo socota si looga fogaado aargoosiga Iiraan haddii tallaabo la qaado.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah diyaargarowga caadiga ah mana aha macnaheedu in weerar uu soo socdo, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.











