Is-afgarad Hordhac ah oo laga gaaray in Shirka Dowladda iyo Mucaaradka lagu qabto Madaxtooyada Soomaaliya

0

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in is-afgarad hordhac ah laga gaaray qabsoomidda shirka wada-tashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo lagu qaban doono Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Go’aankan ayaa la sheegay inuu yimid kaddib codsi uu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dabacsanaan iyo tanaasulaad si loo abuuro jawi wadahadal oo rasmi ah.

Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in weli ay socdaan wada-xaajoodyo farsamo oo lagu dhammaystirayo habraacyada shirka, si loo xaqiijiyo in kulanku u qabsoomo si rasmi ah maalmaha soo socda.

Shalay, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kulan qado ah hotel Decale kula qaatay siyaasiyiinta Golaha Mustaqbalka iyo xubnaha guddiga farsamo ee shirka wada xaajoodka.

Kulankaas oo ahaa mid horudhac ah ayaa lagu muujiyay tanaasul, isku soo dhowaansho iyo abuuridda kalsooni uu ku qabsoomi karo wada gogosha ay fididay Dowladda Soomaaliya.

Qadada kaddib, dowladda iyo mucaaradka ayaa saxaafadda u xaqiijisay is afgarad laga gaaray arrimo la isku hayay oo la filayo in ay tahay halka gogosha wada hadal la dhigayo.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray dadaallada lagu xoojinayo qabsoomidda shirka.

Is-afgaradka laga gaaray goobta shirka ayaa loo arkaa tallaabo  muhiim ah oo lagu yareynayo xiisadaha siyaasadeed ee horey u jirtay, si looga baaqsado in wada hadalku uu fashilmo.