Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wada-hadal Siyaasadeed la Furaya Mucaaradka si looga Hadlo Amniga, Doorashooyinka iyo Dastuurka

0

Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa inuu maanta oo Talaada ah bilaabo wada-hadallo siyaasadeed oo uu la yeesho hoggaamiyeyaasha mucaaradka, isaga oo kulamada ku bilaabaya madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Wada-hadalladan ayaa la filayaa inay hordhac u noqdaan gorgortan ballaaran oo dhex mara Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ah isbahaysi ay ku mideysan yihiin madax maamul goboleedyo, masuuliyiin hore iyo siyaasiyiin mucaarad ah.

Ilo ku dhow dhow diyaargarowga ayaa sheegay in saacadihii u dambeeyay ay jireen kulamo gaar gaar ah oo ay labada dhinac ku lahaayeen, si ay isku waafajiyaan mowqifyadooda ka hor inta aan si rasmi ah loo bilaabin wada-hadalka.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay tagi doonaan fadhiga maanta ee ah mid qado oo uu ku casuumay Madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la kulmay xildhibaannada ka soo jeeda maamulladooda ee ku jira Baarlamaanka Federaalka, gaar ahaan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, si ay u mideeyaan aragtidooda ka hor wada-xaajoodyada la filayo.

Ajandaha wada-hadalka ayaa la filayaa inuu diiradda saaro arrimo qaran oo muhiim ah sida amniga, hannaanka doorashooyinka, iyo dib-u-eegista dastuurka, xilli ay socdaan dooddo siyaasadeed oo ku saabsan mustaqbalka nidaamka dowladeed ee dalka.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa u arka furitaanka wada-hadalkan tallaabo muhiim ah oo lagu dejinayo xiisadaha siyaasadeed isla markaana lagu dhisayo is-afgarad u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamullada dalka.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa la filayaa marka kulamadu si rasmi ah u billowdaan, halkaan indhaha ku haay wixii kusoo kordha.