Markabka Cağri Bey oo Shidaal Qodis ka Bilaabaya Xeebaha Soomaaliya

1

Dalka Turkiga ayaa laga soo sagootiyey markabka Cağri Bey, kaas oo ku soo wajahan Soomaaliya si uu howlgal shidaal qodis ah uga sameeyo xeebaha dalka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah fulinta heshiisyo iskaashi dhaqaale iyo difaac oo u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kuwaas oo diiradda saaraya horumarinta kheyraadka dabiiciga ah iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah.

Munaasabadda sagootinta markabka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirrada Batroolka iyo Dekadaha Soomaaliya, Maareeyaha Hay’adda Batroolka, Safiirka Soomaaliya ee Turkiga iyo masuuliyiin kale. Dhanka Turkiga, munaasabadda waxaa hoggaaminayey Wasiirka Batroolka iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Turkiga.

Masuuliyiinta labada dal ayaa munaasabadda ka sheegay in howlgalka shidaal qodista uu muhiim u yahay kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhaxeeya labada dowladood.

Markabka Cağri Bey ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socda soo gaaro xeebaha Soomaaliya si uu u bilaabo howlaha sahminta iyo qodista shidaalka.