Xildhibaaano si adag u cambaareeyay xayiraada uu Lafta gareen saaray Buurhakaba.

0

Saddexda xildhibaan ee kasoo jeeda degmada BuurHakaba ee ka tirsan BFS ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah, iyaga oo si adag u cambaareeyay xayiraadda iyo cunaqabateynta uu ku soo rogay Guddoomiyaha Koonfur Galbeed, C/casiis Laftagareen, degmada BuurHakaba.

Xildhibaannadu waxay ku baaqeen in si degdeg ah loo qaado xayiraadda, maadaama ay degmada ka jirto xaalad bani’aadamnimo oo ay ka mid yihiin abaaro iyo baahiyo kale oo degdeg ah.