Maxaa sabab u ah dib u dhaca iyo Jahwareerka ka taagan shirka Mucaaradka iyo DF

1

Shirka u dhexeeya Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaya jahwareer iyo dib u dhac xooggan, iyadoo arrimo siyaasadeed iyo khilaafyo isbiirsaday ay carqaladeeyeen qabsoomidda kulanka.

Warar hoose ayaa sheegaya in dib u dhaca uu la xiriiro dadaallada dowladda ee ku aaddan dhameystirka iyo wax ka beddelka dastuurka, arrin ay xilligan si qoto dheer uga doodayaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.