Madaxweynihii hore ee Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa goordhow ka qeybgeli doona kulan lagu qabanayo Airport Hoteladaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Deni iyo Ahmed Madobe.
Xubno ka ag dhow Madaxweynihii hore ayaa Shabelle u xaqiijiyey in aysan faahfaahin ka bixin waxyaabaha uu Farmaajo ka wada hadli doono hogaamiyeyaasha labada maamul.
Sidoo kale, warbixinnada ayaa sheegaya in Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam ay kulamo kala duwan la yeesheen madaxda dalka, xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka, iyo hogaamiyeyaasha ururada bulshada, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, Dastuurka, iyo marxaladda kala-guurka ee dalka.
Kulankani ayaa imanaya xilli ay socdaan dadaallo siyaasadeed oo lagu xoojinayo wada-tashiga iyo is-afgaradka maamulada federaalka iyo gobollada dalka.











