Midowga Afrika oo ku baaqay in si degdeg ah loo soo dadajiyo ciidamo iyo maalgelin lagu xoojiyo howlgalka AUSSOM

8

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU) ayaa si adag u adkeeyay baahida loo qabo in la soo dadajiyo helitaanka ciidamo ku filan Soomaaliya iyo maalgelin waarta oo lagu xoojiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), si loo dardargeliyo la-dagaallanka Al-Shabaab.

Bayaan ka soo baxay kulan heer wasiir oo ka dhacay Addis Ababa ayaa lagu sheegay in si degdeg ah loo helo tiro ciidamo ah oo ku filan hawlgallada ka socda, Soomaaliya isla markaana la xaqiijiyo maalgelin waarta oo la saadaalin karo, isla markaana muddo-dheer ah oo lagu taageerayo AUSSOM.

Goluhu wuxuu soo dhoweeyay guulaha milatari ee laga gaaray Al-Shabaab, isaga oo ku dhiirrigeliyay ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah in ay sii xoojiyaan hawlgallada si si wax ku ool ah loo wiiqo loogana adkaado Alshabaab.

Sidoo kale, Golaha ayaa mar kale xaqiijiyay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo diiday aqoonsi kasta oo Somaliland loogu aqoonsanayo dal madax-bannaan, isla markaana ku baaqay in laga noqdo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa wadajirka dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Wuxuu sidoo kale adkeeyay in xasillinta Soomaaliya ay u baahan tahay iskaashi dhow oo u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo beesha caalamka, si loo mideeyo dadaallada amniga, siyaasadda iyo dib u dhiska dalka.