Madaxweyne Xasan Sheikh oo gaaray Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka 39aad ee Midowga Afrika

0

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynae Xasan Sheikh Maxamuud ayaa kala qeyb galaya hoggaamiyeyaasha Afrika Meertada 39-aad ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika, isagoo xoojinaya sida ay madaxtoyadu sheegtay, dadaallada diblumaasiyadeed ee ku aaddan difaaca midnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu kulamo la yeelan doono madaxda gobolka iyo kuwa Afrika ee Shirka ka qeyb-galaya, si uu ugu bogaadiyo mowqifka taariikhiga ah ee ay ka istaageen xadgudubka sharci darrada ah ee Israa’iil ay kula kacday midnimada Soomaaliya, ugana mahad celinayo taageerida xubinnimada dalkeenna ee Golaha Ammaanka iyo Nabadda Afrika.

Safarka madaxweynaha ee ku tagay Addis Ababa ayaa yimid maalin kaddib markii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AU) ay mar kale hoosta ka xarriiqeen mowqifkooda ku aaddan madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyaga oo diiday aqoonsi kasta oo Somaliland loogu aqoonsanayo dal madax-bannaan.

Bayaan ay shalay soo saareen xubnahan Golaha Nabadda ayaa lagu cambaareeyay aqoonsiga ee Israa’iil siisay Somaliland, wuxuuna dalbaday in si degdeg ah looga noqdo tallaabadaas.

Galuhu wuxuu sheegay in cidna aanay lahayn awood ama sharciyad ay ku beddesho qaab-dhismeedka dhuleed ee dowlad xubin ka ah Midowga Afrika, isla markaana caddeyn kasta oo noocaas ahi ay tahay waxba kama jiraan oo aan wax saameyn sharci ah ku lahayn sharciga caalamiga ah.