Madaxweyne Cirro: Haddii la rabo midnimo, waa in Jabuuti, Soomaalida Itoobiya iyo Kenya la midoobaan Soomaaliya marka hore

0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku dooday in haddii la rabo in la mideeyo Soomaalida, loo baahan yahay in marka hore ay Jabuuti, Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, iyo Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ay ku biiraan Soomaaliya, kadibna Somaliland laga hadlo.

“Haddii la rabo midnimo Soomaaliyeed, Jabuuti waa in ay ku biirtaa Soomaaliya, way ka tirsanaan jirtay; Deegaanka Soomaalida Itoobiya haku biiro Soomaaliya; NFD haku biirto. Haddii adduunku rabo midnimo Soomaaliyeed, waa in ay wada mideeyaan. Maxaa midnimada Soomaaliya iyo Somaliland gaar ka dhigay?” ayuu Cirro u sheegay Sky News Arabia.

Waxa uu sheegay in qaar badan oo dowladaha adduunka ka mid ahi aanay si fiican u fahansanayn taariikhda Soomaalida, isaga oo xusay in dhulka Soomaalida ee Geeska Afrika loo qaybiyay shan qaybood sannadkii 1884 kadib Shirkii Berlin, isla markaana Somaliland ay noqotay qaybtii ugu horreysay ee xornimada ka qaadata gumaystaha sannadkii 1960, iyada oo ay aqoonsadeen 35 waddan oo ay Israa’iil ku jirto.

Sidaas darteed, waxa uu sheegay in masuuliyadda loo igmaday ay tahay in uu adduunka gaadhsiiyo fariinta Somaliland, isaga oo xusay in reer Somaliland ay midowgii ka biyo diideen wax yar kadib, isla markaana xadgudubyo loo geystay, taas oo sababtay in ay gooni isu taagaan. Waxa uu sheegay in midow dambe aanu marnaba suuragal ahayn.

Khilaafka u dhexeeya Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale cirka isku shareeray dabayaaqadii sannadkii hore kadib markii dowladda Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland, taas oo ka cadhaysiisay madaxda Soomaaliya.

Somaliland dhankeeda waxa ay waddaa olole diblomaasiyadeed oo ay caalamka kaga doonayso aqoonsi, iyada oo fagaarayaasha caalamiga ah ka difaacaysa qaddiyadda aqoonsigeeda.