Diyaarad siday dad shacab ah ayaa ku dhacday dhinaca badda ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho, kaddib markii ay isku dayday inay kacdo, sida ay sheegeen ilo ku sugan garoonka.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in diyaarada ay la kulantay cilad farsamo, taas oo keentay in ay ku degto ama ku dhacdo badda ku dhow garoonka. Isla markiiba waxaa bilaabmay howlgallo gurmad iyo samatabixin ah oo lagu badbaadinayo rakaabka iyo shaqaalaha diyaarada.
Mas’uuliyiin ku sugan Garoonka Aadan Cadde ayaa xaqiijiyay in ciidamada gurmadka degdegga ah ay goobta gaareen, halka hay’adaha amniga iyo maamulka garoonkuna ay wadaan dabagal iyo xaqiijin ku saabsan xaaladda diyaarada iyo dadka saarnaa.
Diyaaradda shilka gashay ayaa la sheegay inay ka tirsan tahay Shirkadda Duulimaadyada Star SKY, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada rakaabka, khasaaraha ka dhashay shilka, ama xaaladda caafimaad ee dadka saarnaa.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shilkan ayaa la filayaa in ay soo saaraan maamulka garoonka, hay’adaha duulista rayidka, iyo shirkadda leh diyaarada saacadaha soo socda.











