Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kaga qeybgalayaan shirka madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu gelinka dambe ee maanta ka degi doono Muqdisho, iyadoo wafdi hordhac ah, oo ay ka mid yihiin ciidamada ilaalada madaxweynaha, ay saaka ka degayaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Maanta oo Talaado ah, kuna beegan 10-ka Febraayo, ayaa ah maalintii horey loogu balansanaa qabsoomidda shirka Muqdisho, waxaana lagu wadaa in ay ka qeyb galaan dhammaan madaxda lagu casuumay shirka.
Socdaalladan ayaa imaanaya kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan cudurdaar ka bixisay dib u celintii diyaaradihii waday wufuudda iyo ilaalada madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, arrintaas oo ay Beesha Caalamka ka dhex dhexaadisay labada dhinac, si loo xalliyo khilaafka ka dhashay dhacdadaasi.











