Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’ oo la hadlayey warbaahinta Sky News qaybteeda Carabiga, ayaa ka hadlay arrimo badan oo la xidhiidha aqoonsigii Somaliland ee Israa’iil, arrimo la xirriira in midnimada Soomaaliya iyo Somaliland dib u yagleelaan, waxa ay ku bixiyeen in Somaliland hesho aqoonsi iyo siday u arkaan dowladdaha ka falceliyay aqoonsiga Somaliland ee Israa’iil.
warraysiga oo socday ku dhowaad nus saac, ayaa su’aalaha la weydiiyay madaxweyne Cirro waxaa kamid ahaa, waxa ay Somaliland ku bixisay si ay aqoonsi uga hesho Israa’iil, arrintaas oo daaranayd dadka reer Falastiin in la keeni doono Somaliland.











