Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid oo Taageeray Wax-ka-beddelka Dastuurka

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa si buuxda u taageeray wax-ka-beddellada lagu sameynayo Cutubka 4-aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah, xilli uu khilaaf siyaasadeed ka taagan yahay arrimaha dastuurka ee u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

Cumar Cabdirashiid iyo Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyagoo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka dhashay wax-ka-beddelka dastuurka.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in uu si buuxda u taageersan yahay wax-ka-beddellada Cutubka 4-aad, isagoo uga mahadceliyay guddiyada ku shaqada leh iyo Baarlamaanka dadaalka ay muujiyeen.

“Waxaan jeclaan lahayn in arrinta dastuurka horey loo hor geeyay Baarlamaanka, balse Ilaahay mahaddiis maanta way suurtagashay, Waxaan u mahadcelinaynaa dowladda oo fulisay wixii horay loogu heshiiyay,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in heshiiskii hore ee lala galay Villa Soomaaliya uu qayb ka yahay geeddi-socodkan, isla markaana uu soo dhaweynayo sida ay dowladda uga go’an tahay hirgelintiisa.

“Waxaan si buuxda u taageersanahay akhrinta koowaad ee Cutubka 4-aad ee loo gudbiyay Baarlamaanka, waxaanan bogaadinaynaa dowladda iyo guddiyada ku howlan oo waafaqay heshiiskii aan saxiixnay 25-kii Agoosto,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in waxa harsan ay yihiin arrimaha doorashooyinka iyo wada-hadallada la filayo inay dhex maraan dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, isagoo muujiyay rajadiisa ah in heshiis mideysan laga gaari doono.

“Arrimaha haray waa kuwa doorashooyinka, waxaana sugaynaa wada-hadallo dhex mara Golaha Mustaqbalka iyo dowladda, kuwaas oo aan rajeynayno in natiijo miro-dhal ah laga gaaro,” ayuu yiri.