Caleemo-saarka Ugaaska Tanade oo isu keenay Puntland iyo Dowladda Federaalka

0

Xafladda caleemo-saarka Ugaaska Guud ee beesha Tanade Daarood, oo ka dhacaysa degmada Galdogob ee gobolka Mudug, ayaa isu keentay dhinacyo si weyn ugu kala aragti duwan arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa markii ugu horreysay safka martida la fadhiistay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Timocadde, wasiiro iyo xildhibaano ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Tani waa markii ugu horreysay oo wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah cago u dhigaan degaan ka tirsan Puntland, kaddib dhowr sano oo Puntland ay hakisay xiriirkii ay la lahayd dowladda dhexe, taasoo keentay in Puntland laga mamnuuco dadka xilalka haya  xukuumadda.

Inkasta oo wafdiga Dowladda Federaalka ay u yimaadeen ka-qaybgalka munaasabad dhaqan, haddana xafladda caleemo-saarka ayaa si weyn loogu fasirayaa mid ay hareeyeen loollan siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Ugaaska cusub ee lagu caleemo-saarayo Galdogob,  Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed, ayaa kamid noqon doona salaadiinta dhaqanka Puntland, waxaana lagu wareejin doonaa mas’uuliyadda hoggaaminta arrimaha beesha, oo ay ka mid tahay doorashada iyo soo xulista xubnaha baarlamaanka ee beeshiisa ku matalaya heer federaal.

Mas’uuliyiinta siyaasadeed ee halkaas isugu tegay ayaa mid walba isku dayaya inuu kasbado kalsoonida ugaaska, xilli Soomaaliya ay isu diyaarinayso hannaan doorasho oo cusub, isla markaana ay muuqato in odayaasha dhaqanka ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan doorashooyinka soo socda, maaddaama aysan weli muuqan in dalka uu ka hirgeli karo doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo doorto hoggaanka dalka.

Madaxweyne Deni, oo horay loogu dhaliilay inuu si weyn u yareeyay doorkii isimada Puntland ee doorashadii xubnaha labada gole ee ku matalayay Dowladda Federaalka, ayaa hadda u muuqda mid dib u raadinaya kalsoonida isimada Puntland ee isugu yimid caleemo-saarka Ugaaska beesha Tanade.