Saif al-Islaam Qadaafi, oo ahaa wiilka ugu caansan carruurta hoggaamiyihii hore ee Liibiya Mucammar Qadaafi, ayaa lagu dilay dalka Liibiya, sida ay sheegeen ilo rasmi ah iyo warbaahinta maxalliga ah.
Geerida Saif al-Islaam Qadaafi, oo 53 jir ahaa, waxaa si gooni-gooni ah u xaqiijiyay qareenkiisa Khaalid al-Saydi iyo la-taliyihiisa siyaasadeed Cabdullaahi Cusmaan, kuwaas oo qoraallo ku baahiyay barta Faysbuug, inkasta oo ayna faahfaahin ka bixin sida uu u geeriyooday.
Warbaahinta Liibiya ee Fawasil Media ayaa soo xigatay Cabdullaahi Cusmaan oo sheegay in rag hubaysan ay ku dileen Saif al-Islaam gurigiisa oo ku yaalla magaalada Sintaan, oo qiyaastii 136 kiiloomitir koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Tiriibooli.
Kooxdiisa siyaasadeed ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in “afar nin oo wejiyada qarsaday” ay xoog ku galeen gurigiisa, halkaasna ay ku dileen, iyaga oo ku tilmaamay dilkaasi “mid fulaynimo iyo khiyaano ah”. Bayaanka ayaa intaas ku daray in Saif al-Islaam uu la dagaallamay raggii weerarka soo qaaday, kuwaas oo damiyay kaamirooyinka ammaanka si ay u qariyaan raadadka falkaas.
Dhanka kale, Khaalid al-Mishri, oo hore u soo noqday guddoomiyaha Golaha Sare ee Dowladda ee fadhigiisu yahay Tiriibooli, ayaa ku baaqay baadhitaan degdeg ah oo hufan, si loo ogaado cidda ka dambeysa dilka Saif al-Islaam Qadaafi.
Saif al-Islaam waligiis ma qaban xil rasmi ah oo dowladeed, balse waxaa loo arkayay inuu ahaa ninka labaad ee aabihii ku xiga kadib 2011, xilligaas oo Mucammar Qadaafi lagu dilay dagaalkii kacdoonka ee soo afjaray xukunkiisii muddada dheer socday.
Sanadkii 2011 ayuu Saif al-Islaam Qadaafi ku dhacay gacanta xoogagga mucaaradka, waxaana lagu xidhay magaalada Sintaan, kaddib markii uu isku dayay inuu ka baxsado dalka. Waxaa la sii daayay sanadkii 2017, kaddib cafis guud, tan iyo markaasna wuxuu ku noolaa Sintaan.
Saif al-Islaam Qadaafi wuxuu ku dhashay magaalada Tiriibooli bishii Juun 1972, wuxuuna ahaa wiilka labaad ee Mucammar Qadaafi, hoggaamiyihii muddada dheer xukumayay Liibiya. Dilkiisa ayaa kusoo beegmaya xilli dalka Liibiya uu weli wajahayo xasillooni-darro siyaasadeed iyo mid amni.











