Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa ku dhawaaqay inuu heshiis ganacsi la galay raysal wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, halkaas oo Mareykanku uu hoos u dhigi doono canshuuraha saaran badeecadaha ka yimaada Hindiya ilaa 18% , kaas oo markii hore ahaa 25%.
Qoraal uu ku qoray bogga Truth Social, Trump wuxuu ku sheegay in Hindiya ay hoos u dhigi doonto caqabadaha ganacsiga ilaa eber, sidoo kalena ay joojin doonto iibsashada saliidda Ruushka.
Ku dhawaaqistan ayaa timid wax ka yar toddobaad ka dib markii Hindiya iyo Midowga Yurub ay ku dhawaaqeen heshiis ganacsi oo taariikhi ah kaas oo soo afjaray ku dhawaad labaatan sano oo wadahadallo aan rasmi ahayn.
Modi ayaa khudbad uu ka jeediyay X ku sheegay inuu “ku faraxsan yahay” in heshiis lala gaaro Mareykanka.











