Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si adag u naqdiyey hab-dhaqanka hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), isagoo ku eedeeyay inay caasimadda dalka u yimaadaan qaab u eg dagaal-galeen hubeysan.
Hadalkan ayaa yimid kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hawada ka celisay diyaarado siday ciidamo tiro badan oo ilaalo u ahaa labada madaxweyne, kuwaas oo kusoo jeeday magaalada Muqdisho. Wasiirka ayaa caddeeyay in dowladda aysan aqbali karin ciidamo aan ka tirsanayn kuwa qaranka in lagu soo dhex daro goobaha xasaasiga ah ee caasimadda.
Isagoo ka hadlayay ujeedka ciidanka tirada badan, Wasiirku wuxuu yiri:
“Ma wadahadal ayay u socdaan, mise dagaal, mise waa dhoola-tus ciidan oo fariin loo dirayo dhinacyo kale?”
Wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sugto amniga madaxda caalamiga ah ee Muqdisho yimaada, kuwaas oo ku kalsoon ciidanka qaranka, sidaas darteedna aysan habboonayn in madaxda Soomaaliyeed ay keensadaan ciidamo gaar ah oo aan la aqoonsan, halkii ay ku kalsoonaan lahaayeen Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.











