Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u beenisay warar si ballaaran ugu faafay warbaahinta gudaha iyo dibadda, kuwaas oo sheegayay in Soomaaliya ay hawadeeda u diidday mid ka mid ah diyaaradaha ay leedahay shirkadda Arkia ee laga leeyahay Israa’iil, waxaana wararkaasi ku tilmaantay kuwo been abuur ah oo aan waxba ka jirin.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa BBC-da u xaqiijisay in aysan jirin wax tallaabo ah oo dowladda Soomaaliya ay ku diidday ama ku hor istaagtay diyaarad Israa’iil leedahay isticmaalka hawada dalka.
Agaasimaha Waaxda Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdi Cismaan (Faradheere), ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
“Wararka sheegaya in shirkadda Arkia laga hor istaagay hawada Soomaaliya waa kuwo aan waxba ka jirin, Dowladda Federaalka Soomaaliya ma jirto shirkad ay si gaar ah u beegsatay ama uga mamnuucday isticmaalka hawada, iyadoo aan loo marin nidaamka sharciga ah ee duulista,” ayuu yiri Faradheere.
Mas’uulka ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dhaqdhaqaaq kasta oo duulimaad oo ku wajahan gobollada waqooyi ee dalka uu yahay arrin la xiriirta waajib qaran oo ku saabsan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dhulka iyo hawada Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray in warbaahinta qaarkeed ay faafiyeen warar khal-khal gelinaya nidaamka duulista iyo sumcadda qaranka.
Dhanka kale, wasaaraddu waxay sheegtay in adeegga duulista hawada Soomaaliya uu u socdo si hufan, kuna saleysan xeerarka caalamiga ah ee Ururka Duulista Rayidka Adduunka (ICAO), iyadoo si cad u sheegtay in aysan marnaba u dulqaadan doonin xad-gudub kasta oo ka dhan ah madax-bannaanida hawada Soomaaliya.











