Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya oo Safar Shaqo ku Tagay Magaalada London

2

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala, ayaa safar shaqo ku tagay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Wafdiga Wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Heathrow, waxaana halkaas ku qaabilay xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK, wariyeyaal, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Ujeeddada safarka Wasiir Al Cadaala ayaa ah ka qeybgalka shirar muhiim ah oo la filayo inay ka dhacaan magaalada London maalmaha soo socda, kuwaas oo la xiriira arrimo la xiriira warbaahinta, dhaqanka, dalxiiska iyo xoojinta xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo jaaliyadaha dibadda.

Safarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada wasaaradda ay ku xoojinayso wada-shaqeynta caalamiga ah iyo la macaamilka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha.