Waxaa si rasmi ah loo gudbiyay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaas oo looga dalbanayo in kalsoonida lagala noqdo.
Mooshinkan oo ay saxiixeen tiro xildhibaanno ah oo gaaraya in ka badan 100 mudane, ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo ay dalka ka jirto dood adag oo ku saabsan wax-ka-beddelka Dastuurka, taas oo horseedday kala qeybsanaan xooggan oo soo dhex gashay mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Qoraalka mooshinka ayaa lagu xusay qodobbo dhawr ah oo ay xildhibaannadu ku tilmaameen sababaha ay kalsoonida ugala noqonayaan Guddoomiyaha, waxaana ka mid ah:
1-Ku-tumasho Habraaca Dastuurka: In guddoonku uu garab maray hannaanka sharciga ah ee loogu talagalay ka doodista iyo ansixinta qodobbada masiiriga ah.
2-Maamul-xumo iyo Ku-takri-fal Awoodeed: Waxaa lagu eedeeyay inuu u adeegsaday awoodda guddoonka si aan waafaqsanayn xeer-hoosaadka Baarlamaanka.
4-Luminta Kalsoonida: Waxay ku doodeen in Guddoomiyuhu uu waayay kalsoonidii uu ku hoggaamin lahaa Golaha Shacabka, taasna ay curyaaminayso hufnaanta nidaamka baarlamaanka.











