Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Madaxa FAO ee Soomaaliya

1

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ee Soomaaliya, Itan, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Koonfur Galbeed iyo FAO, gaar ahaan horumarinta beeraha, sugnaanta cunnada, la-tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada, iyo taageerada beeraleyda iyo dadka abaaruhu saameeyeen.

Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyay FAO doorka ay ka qaadato horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo adkaynta nolosha bulshada, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga wadajirka ah.

Madaxa FAO ee Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed, wuxuuna ballanqaaday in Hay’addu sii wadi doonto taageerada bulshada ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.