Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in deegaanadeeda la geeyo xubno ka tirsanaa malleeshiyo Falastiini ah oo la shaqeynayay Ciidamada Israa’iil, kuwaas oo dagaal la galay ururka Xamaas intii uu socday dagaalka Qasa.
Malleeshiyadan ayaa la sheegay in noloshooda khatar ku jirto, kaddib markii Ciidamada Israa’iil ay bilaabeen inay ka baxaan magaalooyin dhowr ah oo ku yaalla Marinka Qasa, taasoo qeyb ka ah wajiga labaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee labada dhinac.
Xamaas ayaa la sheegay inay dishay hoggaamiyeyaasha malleeshiyadaas, taasoo keentay inuu fashilmo qorshe uu watay Ra’iisul Wasaare Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay Somaliland ama Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlaya arrintan, halka wararkaasi ay weli ku saleysan yihiin xog ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil.
Arrintan ayaa dhalisay dood iyo hadal-heyn ballaaran, iyadoo ay dad badan su’aal ka keeneen saameynta ay ku yeelan karto siyaasadda iyo sumcadda Somaliland ee caalamka.











