Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed oo heer gobol iyo heer caalami ah, kuwaas oo lagu taageerayo amniga, xasilloonida iyo madaxbannaanida dalalka Yemen iyo Soomaaliya, isagoo si cad u diiday faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha labada dal.
Go’aankan ayaa lagu ansixiyay bayaan rasmi ah oo kasoo baxay Baarlamaanka Carabta intii lagu guda jiray furitaanka kalfadhigii labaad ee fadhiga guud ee wareegga labaad, ee cutubka sharci-dejinta afaraad, kaas oo ka dhacay xarunta Xoghaynta Guud ee Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.
Bayaanka ayaa xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo mabda’a ah in aan lagu faragelin arrimaha gudaha dowladaha, isla markaana lagu dadaalo xalal nabadeed oo lagu ilaaliyo madax-bannaanida, amniga iyo midnimada dhuleed ee dalalka Carabta.
Baarlamaanka Carabta ayaa ugu baaqay dowladaha iyo baarlamaannada Carbeed inay muujiyaan midnimo iyo garab istaag buuxa oo ay la garab taagan yihiin Yemen iyo Soomaaliya, ayna qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida labada dal, isagoo markale ku celiyay diidmada buuxda ee faragelin kasta oo shisheeye.
Tan iyo markii Israa’iil ay u istaagtay ictiraafka Somaliland waxaa jiray cadaadisyo xoogan ay sameeyeen wadamada Carabta iyo kuwa islaamka kaa oo xoojiyay dadaalada diplomaasiyadeed ee Dowladda Federaalka.











