Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay inay si weyn u soo dhoweynayso iskaashi dhow oo ay la yeelato Sacuudi Carabiya, Masar iyo dalal kale oo Carbeed, si loo xoojiyo xasilloonida iyo amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika.
Wasiir u dowlaha Arrimaha Dibbada xukuumadda Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Balcad) ayaa sheegay in wada-hadallo rasmi ah ay haatan socdaan, kuwaas oo diiradda lagu saarayo mas’uuliyadda wadajirka ah ee ilaalinta amniga gobolka iyo ka hortagga khataraha isa soo taraya.
Wasiir u dowluhu wuxuu sheegay in iskaashigan aanu ahayn mid ku saleysan samaynta isbahaysi colaadeed ama kicinta xiisado cusub, balse uu yahay wada-shaqeyn ku dhisan ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo difaaca wadajirka ah ee ka dhanka ah khataraha guud, sida argagixisada, amniga badda iyo faragelinta shisheeye.
Dhanka kale, Wasiir U dowlaha Arrimaha Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay aqoonsiga halka dhinac ah ee ay Israa’iil siisay Somaliland, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo jebinaysa sharciga caalamiga ah, isla markaana si toos ah u wiiqaysa madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in aqoonsigan uu leeyahay cawaaqib istaraatiiji ah oo saameyn ku yeelan kara isu-dheellitirka awoodda ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, islamarkaasna uu ka hor imaanayo danaha guud ee dalalka Carabta, isla markaana abuuri kara fursado ay ka faa’iidaystaan kooxaha fallaagada ah iyo kuwa aan dawliga ahayn.
Cali Balcad ayaa si gaar ah u bogaadisay mowqifka mabda’a ku dhisan ee ay qaateen dalalka Carabta, gaar ahaan Sacuudi Carabiya, kuwaas oo si cad u diiday tallaabo kasta oo dhaawaceysa midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay inay ka go’an tahay difaaca dhulkeeda iyo qaranimadeeda, isla markaana ay sii wadi doonto dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu ilaalinayo amniga gobolka iyo midnimada dalka.











