Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Aqbalay Gogosha Wada-hadal ee Dowladda

0

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u aqbalay gogosha wada-hadal ee Dowladda Federaalka Soomaaliya  ku soo bandhigtay magaalada Muqdisho.

Warsaxaafadeed ay soo saareen Golaha Mustaqbalka ayaa lagu sheegay in kulamada wada-hadalka lagu diiradda saari doono arrimaha muhiimka ah ee dalka, gaar ahaan khilaafaadka ka taagan doorashooyinka.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa soo jeediyay in la joojiyo wax-ka-bedeelka Dastuurka, si wada-hadalka uu u noqdo mid lagu gaaro xal waara oo ku saleysan heshiis iyo is-afgarad.

Tani waxay qayb ka tahay dadaallada socda ee lagu xoojinayo xasiloonida, wadajirka siyaasadeed, iyo hannaanka dimuqraadiga ah ee Soomaaliya.