Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa bogaadiyey Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo Kumaandooska Danab kaddib guulo waaweyn oo ay ka gaareen maleeshiyaadka Khawaarijta, intii lagu guda jiray howlgallo culus oo ka dhacay deegaanka Kudhaa ee degmada Badhaadhe, Gobolka Jubada Hoose.
Howlgalka oo socday in ka badan 24 saac ayaa lagu dilay in ka badan 59 dagaalame oo ka tirsanaa Khawaarijta, halka 42 kale lagu dhaawacay.
Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay 10 gaari dagaal oo ay Khawaarijtu u adeegsanayeen weerarrada ay ku dhibaateeyaan shacabka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in howlgalkan uu ahaa mid si wanaagsan loo qorsheeyay, isla markaana lagu fashiliyey damacii cadowga ee ahaa inay dhibaato u geystaan amniga iyo xasilloonida deegaannada Jubaland.
Madaxweynaha Jubaland ayaa Alle uga baryay inuu Janno ka waraabiyo halyeeyadii Ciidamada ee ku shahiiday howlgallada, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen. Sidoo kale, wuxuu caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhammaan ciidamada ku dhaawacmay howlgallada.











