Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo aan la ogeyn halka uu ku sugan yahay ayaa baahiyay labadan Sawiradan iyo qoraalkan.
“Shacabkayga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan waxa aan u soo dirayaa salaan & bogaadin, anniga oo u rejaynaya khayr, nabad, iyo barwaaqo” ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.
Cirro ayaa saaran diyaarad nooceedu yahay Airbus Helicopters H135, taasi oo ku diiwaan gashan HB-ZYI.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa shalay ka safray magaalada Hargeysa, isaga oo qariyay u jeedka socdaalkiisa,balse xilli madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in uu yahay socdaalkaan mid tahriib, shacabkana laga qariyay.
Warar la helay ayaa sheegaya in Cirro uu ka qeyb galayo madasha dhaqaalaha aduunka ee ka dhacaya dalka Switzerland.









