Warbaahinta Daily Sabah ayaa sheegtay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Turkiga uu Talaadadii si rasmi ah u ansixiyay qaraar madaxweyne oo lagu kordhinayo muddada hawlgalka ciidamada badda ee Turkiga (TSK) ee ka howlgala Gacanka Cadmeed, biyaha Soomaaliya, Badda Carabta iyo deegaanada ku xeeran, muddo hal sano oo dheeraad ah.
Qaraarkan ayaa muujinaya sida ay Ankara uga go’an tahay ammaanka badda iyo ka qeybqaadashada dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo burcad-badeedda iyo argagixisada badda.
Qoraalka qaraarka ayaa lagu xusay in Turkigu muddo dheer ka mid ahaa waddamada hormuudka ka ah la dagaallanka burcad-badeedda, weerarrada hubeysan ee badda iyo argagixisada badeed, iyadoo hawlgalka lagu sugayo ammaanka maraakiibta ganacsiga ee sita calanka Turkiga ama xiriirka la leh Türkiye, sidoo kalena lagu taageerayo hawlaha bani’aadannimo iyo iskaashiga dalalka saaxiibka ah ee gobolka.
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ciidamada badda ee TSK ay si firfircoon uga qeyb qaateen hawlgallada caalamiga ah tan iyo 2009, oo ay ku jiraan hawlgalkii NATO ee Ocean Shield iyo Ciidanka Isbahaysiga Caalamiga ah ee CTF-151, oo hoos yimaada Combined Maritime Forces ee Mareykanku hoggaamiyo.
Turkiga ayaa hoggaamiyay CTF-151 7 jeer intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2025, waxaana markii ugu dambeysay uu hoggaanka la wareegay 24-kii July 2024, ka hor inta uusan xilka wareejin Janaayo 2025.
Qaraarka ayaa sidoo kale xusuusiyay in Turkigu yahay xubin aasaasi ah oo ka tirsan Kooxda Xiriirka La-Dagaallanka Burcad-Badeedda ee Xeebaha Soomaaliya, taas oo lagu dhisay Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 1851, isla markaana uu weli ka qeyb qaato barnaamijyada Midowga Yurub, NATO iyo Hay’adda Badaha Adduunka (IMO).
Inkasta oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uusan soo saarin go’aamo cusub oo ku saabsan biyaha Soomaaliya tan iyo 2022, haddana hawlgallada caalamiga ah ee ka dhanka ah burcad-badeedda ee ka baxsan biyaha Soomaaliya ayaa weli socda, sida Hawlgalka Midowga Yurub ee Atalanta, oo la kordhiyay ilaa 28-ka Febraayo 2027. Ciidamada badda Turkiga ayaa weli si buuxda uga qeyb qaadanaya hawlgallada CTF-151.
Qaraarka ayaa carrabka ku adkeeyay in burcad-badeedda iyo argagixisada badda ay weli khatar ku yihiin nabadda iyo amniga caalamka, isla markaana ay si toos ah u saameeyaan danaha qaranka Turkiga, maadaama marin-biyoodkaasi yahay mid aad u istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.
Sida uu dhigayo qaraarka, ciidamada badda Turkiga ayaa sii wadi doona hawlgallada ka baxsan biyaha dalalka gobolka, iyadoo waqtiga iyo baaxadda hawlgallada uu madaxweynuhu go’aamin doono, sida ku xusan Qodobka 92-aad ee Dastuurka Turkiga. Muddadii hore oo ku ekaan lahayd 10-ka Febraayo 2026, ayaa hadda la kordhiyay ilaa Febraayo 2027.
Qaraarkan ku saabsan Gacanka Cadmeed, Soomaaliya iyo Badda Carabta ayaa markii ugu horreysay la ansixiyay 2008, waxaana si joogto ah sanad walba loo kordhinayay. Gacanka Cadmeed, oo u dhow Yemen isla markaana ku dhaw marin-biyoodka Bab al-Mandab, ayaa ah marinka afraad ee ugu weyn dunida ee shidaalka laga gudbiyo, taasoo ka dhigaysa goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah tamarta caalamka.
Ugu dambeyn, Turkiga ayaa sheegay in hawlgalkan uu sidoo kale gacan ka geysanayo kobcinta khibradda ciidamada badda, taageeridda siyaasadaha qaran ee Turkiga, xoojinta doorka dalka ee Qaramada Midoobay, iyo kor u qaadista muuqaalka iyo saameynta Turkiga ee caalamka.









