ubno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa saakay weerar culus oo ku billowday qaraxyo ku qaaday saldhig ay ciidamada Jubbaland ku leeyihiin magaalada Buurgaabo ee gobolka Jubbada Hoose.
Weerarka ayaa ka dhacay Buurgaabo, oo ku taalla xuduud-beemaadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, kana dhow magaalada xeebeedka Raaskambooni. Sida wararka hordhaca ah sheegayaan, dagaalka ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada saxda ah.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in xaaladda amni ay weli kacsan tahay, islamarkaana hub culus laga maqlayo duleedka magaalada, saacado kadib markii uu bilowday weerarka.
Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland ama Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay Buurgaabo.









