Militeriga Soomaaliya oo ka warbixiyay weerar ka dhacay Shabeellaha Dhexe

1

Weerar culus ayaa Al-Shabaab ku qaadey saldhiga Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyahay gobolka Shabeellaha Dhexe, ee Koonfurta Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidanka ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya deegaanka, ka dib markii Al-Shabaab loo geystay jab xooggan iyo khasaare badan.

Waxaa hadda socda hawlgal ballaaran oo isugu jira sifayn iyo sugid amni, kaas oo lagu ciribtirayo Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaanka, si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabulayaan ama ay ku carqaladaynayaan nabadda dadka deegaanka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan go’aankooda ah inay sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo sugo amniga loona difaaco shacabka Soomaaliyeed.

“Askar ayaa naga shahiiday laakiin waan iska difaacnay AS-ka nasoo weeraray,” ayuu yiri Labo Xidigle Rabiic oo ku sugan Goobta uu ka dhacay Dagaalka ee Shabellaha dhexe.