Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay jiritaanka heshiis saddex-geesood ah oo dhinaca amniga ah, kaas oo u dhexeeya Soomaaliya, Boqortooyada Sacuudiga iyo Jamhuuriyadda Masar, sida uu sheegay afhayeen u hadlay xukuumadda.
Heshiiskan, oo weli ku jira marxaladda dhamaystirka, ayaa la sheegay inuu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee amniga Badda Cas, ballaarinta wada shaqaynta milatari, iyo adkaynta doorka wadajirka ah ee dalalkan ku leeyihiin amniga gobolka.
Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu safar ku tago Boqortooyada Sacuudiga maalmaha soo socda, si loo dhammeystiro heshiiskan muhiimka ah.
Heshiiskan cusub ayaa imaanaya kaddib markii Dowladda Soomaaliya ay dhawaan baabi’isay heshiisyo amni iyo kuwo dekedood oo ay la lahayd Imaaraadka Carabta, iyada oo ku eedaysay Abu Dhabi inay ku xadgudubtay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka, kaddib markii hoggaamiye ka tirsan gooni-u-goosadka Yemen laga dhoofiyay gudaha Soomaaliya, iyadoo aan la ogaysiin dowladda dhexe.
Mas’uuliyiin u dhow wada-hadallada ayaa sheegay in Boqortooyada Sacuudiga ay cadaadis diblomaasiyadeed saartay Soomaaliya si ay u yareyso xiriirka ay la leedahay Imaaraadka, xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka u dhexeeya labada dal ee xubnaha ka ah isbahaysiga OPEC+. Xiisaddan ayaa ka dhalatay arrimo la xiriira dagaalka Yemen iyo saameynta gobolka.
Sacuudigu wuxuu muddo dheer taageero siyaasadeed u muujinayay midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo dagaalka ay kula jirto kooxda Al-Shabaab, inkasta oo aan hore loo arag taageero milatari oo toos ah. Haddii heshiiskan la dhammeystiro, wuxuu noqon doonaa tallaabadii ugu horreysay ee Sacuudigu si toos ah ugu lug yeesho xoojinta awoodda amni iyo ciidan ee Soomaaliya iyo guud ahaan Bariga Afrika.
Afhayeenka Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in wada-hadalladu socdaan, balse wuu ka gaabsaday bixinta faahfaahin dheeraad ah. Dhanka kale, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Sacuudiga, Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo Dowladda Masar ayaan weli ka jawaabin codsiyo warbaahineed oo la xiriira heshiiskan.
Imaaraadka Carabta ayaa sannadihii u dambeeyay kordhiyay joogitaankiisa qaaradda Afrika, isagoo doonaya inuu ballaariyo saameyntiisa dhaqaale iyo mid siyaasadeed, isla markaana uu kaalin ku yeesho dekedaha istiraatiijiga ah ee gobolka, inkasta oo uu marar badan ku celceliyay inuu ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.











