Somaliland oo ciidamo cusub ku soo Bandhigtay Gobolka Sool

6

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ka badan 6,000 askari ay tababar ugu soo xirtay gobolka Sool, xilli Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu ku sugan yahay magaalada Laascaanood, islamarkaana uu ka qeyb galayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Aw-Cali Firdhiye.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa hadal adag ka jeediyay munaasabada, isagoo sheegay in Sool ay tahay dhul Somaliland ka tirsan, islamarkaana aanu waxba ka beddeli karin qof uu ku tilmaamay “qof diyaarad dhuumasho ah ku yimid,”.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa si adag uga hadlay booqashada madaxda dowladda federaalka ee ku sugan Laascaanood, isagoo ku tilmaamay “faragelin qaawan” oo ka dhan ah waxa uu ugu yeeray madaxbannaanida Somaliland.

Madaxweyne Cirro ayaa beesha caalamka uga digay in tallaabooyinkan ay halis ku yihiin nabadda iyo xasilloonida gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, isagoo sheegay in Somaliland ay u aragto arrintan mid sii hurin karta xiisado hor leh.