Banaanbax ballaaran oo lagu taageeray midnimada Dalka oo ka dhacay Laascaanood

10

Magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa caawa martigelisay banaanbax ballaaran oo lagu muujinayey taageero buuxda oo loo hayo midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Isku soo baxa ayaa ka dhacay fagaaraha taallada “Shuhadada” ee ku yaalla bartamaha magaalada, halkaas oo dadweynaha isugu soo baxay ay si mideysan farriin cad ugu direen kooxaha iyo shakhsiyaadka ku howlan kala goynta iyo wiiqidda midnimada dalka.

Banaanbaxa ayaa waxaa soo agaasimay dhallinyarada reer Muqdisho ee ku sugan Laascaanood, kuwaas oo ay hoggaaminayeen Cabdiweli Cumar, Fanaanadda Qaran ee Xaawo Degan, Agaasime Cantoobo, iyo dhallinyaro kale oo ka tirsan bulshada deegaanka. Isku soo baxa ayaa si qoto dheer loogu muujiyey muhiimadda, qiimaha iyo lama taabtaannimada midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ka qeyb-galayaasha banaanbaxa ayaa ku dhawaaqay hal-ku-dhigyo muujinaya midnimo qaran, wadajir bulsho iyo garab-istaag buuxa oo loo hayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo adkeeyey in midnimada dalku ay tahay tiir aan laga tanaasuli karin.