Madaxweynaha Waqooyi Bari oo Shir Guddoomiyey Kulan Lagu Adkeynayo Amniga Laascaanood

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Firdhiye, ayaa xalay shir guddoomiyey kulan heer sare ah oo diiradda lagu saaray amniga magaalada Laascaanood, halkaas oo ay ka dhaceyso munaasabadda caleema-saarka madaxda maamulka Waqooyi Bari.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Booliska, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA), saraakiil ciidan oo sare iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Waqooyi Bari.

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay xoojinta amniga guud ee magaalada iyo habraaca amni ee lagu sugayo badqabka munaasabadda caleema-saarka, iyaga oo xoogga saaray isku-duwidda hay’adaha ammaanka.

Madaxweyne Firdhiye ayaa faray laamaha ammaanka inay sare u qaadaan feejignaanta, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo martida ka qeybgalaysa munaasabadda, isagoo amniga Laascaanood ku tilmaamay mudnaan gaar ah.