Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Bangiga Adduunka (World Bank), kuwaas oo kala hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo dardargelinta maalgelinta mudnaanta leh ee dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xasilloonida dhaqaale iyo dardargelinta maalgelinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan kaabayaasha waddooyinka, tamarta, iyo isdhexgalka gobollada ee ku jira Hindisaha Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo u dhexeysa Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, si loo hirgeliyo isbeddellada dhaqaale ee dowladdu mudnaanta siinayso, loona xaqiijiyo koboc dhaqaale oo waara.
Dhankooda, wafdiga Bangiga Adduunka ayaa ballanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay siinayaan Soomaaliya, iyagoo xusay in Bangigu ka go’an tahay taageeridda dib-u-habaynta dhaqaale iyo horumarinta kaabeyaasha muhiimka u ah kobaca iyo isku-xirnaanta gobolka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah wada-hadallo joogto ah oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah, kuwaas oo lagu doonayo in lagu dardargeliyo horumarka iyo iskaashiga gobolka Geeska Afrika.











