Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa mar kale xaqiijiyay in dalkiisu si buuxda u garab taagan yahay Soomaaliya ilaalinta midnimadeeda, madax-bannaanideeda iyo dhulkeeda, isagoo si cad uga hor yimid isku day kasta oo lagu doonayo in “Somaliland” ay iskaashi la yeelato Taiwan si ay u raadiso gooni-isu-taag.
Wang Yi ayaa hadalkan ku sheegay wada-hadal taleefan oo uu Axaddii la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Dhaay, intii uu ku guda jiray booqasho uu ku marayay qaaradda Afrika. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Shiinuhu uu ka go’an yahay siyaasad saaxiibtinimo oo ku wajahan Soomaaliya isla markaana uu sii xoojin doono iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo difaaca, inkasta oo isbeddello ka dhacayaan masraxa caalamka.
Sidoo kale, Wang Yi ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku casuumay inuu booqasho ku tago Beijing si uu uga qeybgalo Shirka Labaad ee Shiinaha iyo Dowladaha Carabta, isagoo ku tilmaamay sannadka is-dhexgalka shacabka Shiinaha iyo Afrika fursad lagu xoojinayo iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal.
Wasiirka Shiinaha ayaa sidoo kale muujiyay taageero buuxda oo ku aaddan hoggaaminta Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee bisha Janaayo, isagoo xusay masuuliyadda wadajirka ah ee labada dal ka saaran ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.
Dhankiisa, Wasiir Cabdisalaam Dhaay ayaa uga mahadceliyay Shiinaha taageerada uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan difaaca madax-bannaanida iyo midnimada dalka, la dagaallanka gooni-goosadka iyo argagixisada, iyo taageerada xasilloonida iyo horumarka qaranka. Waxa uu sidoo kale mar kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay si buuxda ugu dheggan tahay mabda’a Hal-Shiinaha (One-China Policy).
Ugu dambayn, safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya ayaa sheegtay in dib-u-dhigista booqashada Wang Yi ee Muqdisho ay ka timid isbeddel jadwal iyo wadatashi saaxiibtinimo oo dhexmaray labada wasaaradood ee arrimaha dibadda, isla markaana aanay wax xiriir ah la lahayn xaalado amni.











