Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo aad u adag, taas oo si toos ah halis ugu ah jiritaanka dawladnimada dalka, isla markaana abuurtay kalsooni-darro baahsan oo ku aaddan nidaamka federaalka.
Madaxweyne Deni wuxuu tilmaamay in xaqiiqadu tahay in dalka uu wajahayo kala qaybsanaan sii xoogeysanaysa, taas oo uu ku sababeeyay siyaasado uu ku sifeeyay kuwo liita oo ka imaanaya Dawladda Federaalka, kuwaas oo sababay in la wiiqo nidaamkii wadajirka ahaa ee hore loogu heshiiyay.
“Midnimo lagu raadinayo aflagaaddo, hanjabaad iyo is-cay ma noqon karto midnimo dhab ah,” ayuu yiri madaxweynuhu, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin hal ummad, meel kasta oo ay joogaanba.
Wuxuu xusay in wax ka beddelka ama burburinta dastuurkii heshiiska ku dhisnaa ay si toos ah u dhaawacayso midnimada dalka, isla markaana qof kasta oo ku tumanaya dastuurka uusan ka shaqaynayn midnimo qaran oo dhab ah. Isagoo sheegay in ay lama huraan tahay wadahadal ku dhisan is-ixtiraam, iyo in si wadajir ah loogu heshiiyo arrimaha la isku khilaafsan yahay.
Madaxweynaha Puntland ayaa ku dhawaaqay in Puntland ay ka baxday nidaamka federaalka ee hadda jira, kadib markii, sida uu sheegay, lagu xadgudbay dastuurkii ay Puntland qayb libaax leh ka ahayd.
“Dawladda hadda ka jirta Muqdisho ma aha mid ku dhaqanta sharciga iyo heshiisyadii lagu dhisay federaalka. Taas macnaheedu ma aha inaan diidanahay dadka Soomaaliyeed ama midnimada dalka, balse waxaan diidanahay nidaam ku shaqeeya kala qaybin iyo isku dir,” ayuu yiri.
Wuxuu sidoo kale caddeeyay in Puntland ay diyaar u tahay ka qaybgalka shir kasta oo sharci ah oo lagu raadinayo xal qaran, isla markaana ay halkaas si cad ugu soo bandhigi doonto aragtideeda. Hase yeeshee, haddii uusan jirin gogol wadahadal oo dhab ah, Puntland ay qaadan doonto go’aanno u gaar ah oo ku saleysan dastuur iyo sharci.
Madaxweynuhu wuxuu adkeeyay in dhammaan tallaabooyinka ay Puntland qaadeyso ay noqon doonaan kuwo sharci ah, kana madax-bannaan dareen iyo caadifad, isla markaana ujeeddadoodu tahay ilaalinta xuquuqda, karaamada iyo masiirka dadka Puntland.











