Dowladda Federaalka Soomaaliya oo walaac ka muujisay waxyeellada soo gaartay Safaaradda Qatar ee Kyiv

8

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay walaac weyn oo ku aaddan waxyeellada soo gaartay Safaaradda Dowladda walaalaha ah ee Qatar ee ku taalla caasimadda Ukraine, Kyiv, taas oo ka dhalatay duqeyn halkaas ka dhacday.

Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay mabda’a aasaasiga ah ee dhowrista iyo xurmada goobaha diblomaasiyadeed, sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, gaar ahaan heshiisyada caalamiga ah ee ilaalinta safaaradaha, hantidooda iyo shaqaalahooda.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo ilaaliyo xarumaha diblomaasiyadeed iyo diblomaasiyiinta, maadaama ay yihiin kuwo aan la taaban karin (inviolable) marka loo eego sharciga caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muujisay midnimo iyo garab istaag buuxa oo ay la leedahay Dowladda iyo Shacabka Qatar, iyada oo ku baaqday in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah iyo badbaadada dhammaan howl-wadeennada diblomaasiyadeed.