Imaaraadka Carabta oo mar kale xaqiijisay taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya

6

Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa mar kale xaqiijisay taageeradeeda buuxda ee madax-bannaanida, midnimada dhuleed, amniga iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Imaaraadka ayaa hoosta ka xarriiqday muhiimadda ay leedahay xoojinta hay’adaha dowliga ah iyo hirgelinta horumar waara oo dalka ka hanaqaada, si loo adkeeyo dowladnimada iyo xasilloonida Soomaaliya.

Arrintan ayaa lagu muujiyay kulan heer sare ah oo 6-da Janaayo 2026 ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaas oo u dhexeeyay Guddiga Midowga Afrika (AUC) iyo Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Kulanka, oo Imaaraadka uu ku matalay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Sheekh Shakhboot bin Nahyan Al Nahyan, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya UAE iyo Midowga Afrika, iyadoo lagu salaynayo Heshiiska Is-afgarad ee labada dhinac kala saxiixdeen sanadkii 2019.

Imaaraadka Carabta ayaa soo bandhigay hindisaha cusub ee “AI for Development”, oo miisaaniyaddiisu tahay hal bilyan oo doollar, kaas oo loogu talagalay in lagu taageero horumarka qaaradda Afrika iyada oo loo marayo hal-abuurnimo, tiknoolajiyad casri ah iyo isbeddel dijitaal ah.

Go’aanka Imaaraatka ayaa kusoo aadaya iyadoo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu mugdi sii galayo, kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland, tallaabadan ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya aaminsan tahay in Abu Dhabi si muuqata ugu lug leedahay.

Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadka Carabta ayaa muddo sannado ah door muhiim ah ka ciyaarayay taageeridda Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin bixinta mushaaraadka ciidamada amniga, tababarro iyo qalab militari, iyo sidoo kale kaalmo toos ah oo miisaaniyadeed oo lagu taageerayo hay’adaha dowladda.