Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay banaanbax shalay ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Dayniile oo sababay khasaare kala duwan.
War qoraal ah oo kasoo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in banaanbaxa ay sameyeen koox dhalinyaro ahayed oo abaabulnaa, islamarkaana banaanbaxaasi u bedelay fowdo, kadibna ay weerareen dukaan uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed oo la boobay hantidiisa.
Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka gurmad deg deg ah u sameeyeen oo ay gaareen halka ay wax ka dhaceen, hayeshee intii ay ku guda jireen sugidda amniga iyo badbaadinta hantida shacabka, ay la kulmeen dhagax tuur iyo rabshado ay sameeyeen dhalinyaro fowdo u abaabulaneyd.
“Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed wuxuu Bulshada Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in maanta oo ay Taariikhdu tahay 06-01-2026 Abaaro 10:55am Subaxnimo Xaafad ka mid ah Degmada Deyniile in ay kooxo dhalinyara ah oo abaabulan ay banaabax fowda ah ka sameeyeen, banaanbaxaas oo dhaliyay weerar Dukaan uu lahaa Muwaadin Soomaaliyeed waxaana la boobay hantidiisa waxaana isugu soo baxay Carruur iyo Haween isla markiiba waxaa gurmad u fidiyay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo gaarey goobta” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya.
Qoraalka kasoo baxay Taliska Booliska ayaa lagu xaqiijiyay ineysan jirin wax dhimasho ah oo ka dhashay rabshadahaas, waxaana Booliisku uu sheegay in ilaa 3 qof oo rayid ah ku dhaawacmeen rabashadaas, kuwaas oo la geeyay isbitaalo ku yaala magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan lagu dabiibayo.
Dhinaca kale Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyay dhacdada Shalay ka dhacday degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ee dhexmartay booliiska iyo dad banaanbaxaayay.
“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si adag u cambaareynayaa dilka, dhaawaca iyo barakicinta sharci-darrada ah ee lagu hayo shacabka ku dhaqan deegaanka Warlaliska ee Degmada Dayniile, kuwaas oo ay saakay si arxan-darro ah ula dhaqmeen ciidanka Booliska Soomaaliyeed, xisbigu wuxuu tacsi u diraya dadkii ku geeriyooday barakinta dowladda” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran.
Ugu dambeyntii rabashadahii Shalay ka dhacay degmada Deyniile ayaa la tilmaamay iney ahayeen kuwa sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah, kuwaas oo salka ku haayay dhul dowladdu dooneysay iney ka saarto dadkii daganaa.











